Kooxda Chelsea ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay shaqadii tababarenimo ee kooxdeeda ka caydhisay macalinka ree Germany ee Thomas Tuchel.

Chelsea ayaa xilli ciyaareedkan ku bilawday qaab gaabis ah walow ay ahaayeen kooxda lacagta ugu badan galisay suuqii xagaagan iyaga oo daafaca oo kaliya ku dhawaad 200 Milyan oo euro ay kaga baxday.

Chelsea ayaa labadeedii kulan ee ugu dambeeyay ee ay marti noqotay horyaalka guuldarrooyin lasoo kulantay halka ay Sabtidii guul dirqi ah ka gaadhay West Ham United.

Advertisements

Blues ayay intaa u dheerayd inay xalay kooxda Dinamo Zagreb guuldarro 1-0 ah soo baday kulankoodii ugu horreeyay ee Champions League.

Sida uu sheegayo saxafiga Blues ku dhaw ee Matt Law, tababaraha ugu cad cad inuu dhaxlo TT ayaa ah macalinka Brighton wacdaraha ku dhigaya ee Graham Potter.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here