XIGASHO LAACIB.NET
Kooxda Chelsea ayaa dhammeystirtay heshiiskii daafaca kooxda Ajax, Jorrel Hato, iyadoo la sugayo oggolaanshaha guddiga kormeerka ee kooxda reer Netherlands, sida uu sheegay weriyaha lagu kalsoon yahay ee David Ornstein.
Hato, oo ah xiddig heer caalami ah oo u ciyaara xulka Netherlands, ayaa la filayaa inuu saxiixo qandaraas soconaya ilaa 2032.
Daafacan 19-jirka ah ayaa u safri doona tijaabada caafimaad marka oggolaanshaha rasmiga ah laga helo guddiga maamulka Ajax, iyadoo ay horey uga heshiiyeen shuruudaha shaqsiyadeed ee uu Chelsea ugu biirayo.
Hato ayaa horey uga soo baxay akadeemiyada Ajax, waxaana uu saftay 111 kulan oo heer sare ah oo uu u ciyaaray kooxda koowaad ee Ajax. Wuxuu xitaa xirtay calaamadda kabtan-nimada, wuxuuna ciyaaray boosaska daafaca dhexe iyo daafaca bidixba.
Marka uu Chelsea ku biiro, waxaa la filayaa inuu tartan toos ah la galo Marc Cucurella.

