Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa la soo sheegayaa inay goor oo subaxaan ah ay la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Bacaadweyne ee Gobolka Mudug.

La wareegida Ciidamada Dowlada ee Magaalada Bacadweyne ayaa imaaneysa xili shalay galab ciidamadu qabsadeen deegaanada Qod-qod iyo Sargo oo ku dhaw bacaadweyne.

Advertisement

Shalay galab markii Ciidamada Dowladu gaareen deegaanadaasi ayay alshabaab isaga baxeen Magaalada Bacadweyne mana jirto wax iska hor imaad ah,si nabad ah ayayna kula wareegeen.

Dhanka kale Ciidamada ayaa magaalada ka bilaabay howlgalo miina baaris ah taasoo caadiyan ciidamada Dowladu sameeyan markasta oo ay alshabaab goob kala wareegaan.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleCulumaa’udiinka Ahlu-Suna “Anagaa tusnay Soomaali in Al-shabaab lala dagaali karo”
Next articleDuqeyn Diyaaradaha Dagaalka oo Xalay ilaa Saaka ku socota duleedka Degmada Mahadaay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here