MUQDISHO (DAYNIIILE.COM)-Xiririka kubada cagta Soomaaliya ayaa war qoraal ah uu caawa soo saaray wuxuu ku hakiyay mudo 3 maalin ah ciyaarihii maamul Goboleedyada ee ka socday garoonka Stadium Muqdisho ,waxaana dib loo bilaabayaa Talaadada soo socota insha Allaah.

Talaabadaan ayaa imaaneysa kadib markii galabta weerar dhagxaan ah lagu qaaday bas lagu waday ciyartoyda Koonfur-galbeed kuwaasoo ka baxay maqribkii caawa garoonka kadib markii guul daro ay kala kulmeen xulka Galmudug.

Advertisement
Sidoo kale warar lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Koonfur Galbeed lagu qanciyay inay sii wataan ciyaaraha maamul Goboleedyada, kadib markii caawa warar soo baxay sheegeen inay ciyaaraha uga baxeen shaqaaqadii qabsatay darteed.
Sabtida beri ah waxaa Garoonka Muqdisho Stadium ku balansanaa  Jubbaland iyo Gobolka banaadir laakiin waxaa saameeyay amarka caawa ka soo baxay xiririka kubada cagta dib ayaana loo dhigay.
May be an image of football, american football and text
Previous articleMadaxweyne Xasan ” Somalidu waa isaga filan yihiin Itoobiya”
Next articleMareykanka oo ka caawinaya Yuhuuda sidii ay Maxaabiista xoog ugu soo furan lahaayeen

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here