Wararka laga helaayo Gobolka Awdal ee Maamulka Somaliland ayaa sheegaya in mar kale uu dagaal ka dhex qarxay Maleeshiya Beleed ka soo kala jeeda Beelaha Gadabuursi iyo Ciise kuwaasoo ku wada dhaqan Gobolka Awdal.
Madaama Dagaalku goor dhaw biowday ma jirto warbixin laga helayo sababta soo celisay dagaalka iyo hadii ay jiraan khasaare nafeed oo durba ka dhashay dagaalkaasi mar dhaw ka dhex qarxay Maleeshiya Beeleedka Gadabuursi iyo Ciise.m
Dagaalka wuxuu ka socdaa Degaanka Xariirad ee Gobolka Awdal iyadoo labada dhinac maalmo o ka hor sidaas oo kale ugu dagaalameen isla aagaasi iyadoo la isku hayo lahaanshaha dhulka, maamulka Somaliland wali talaabo muuqata kama qaadin dagaak beeleedka soo noqnoqday.
Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Maamulka Somaliland la safan yihiin oo garanna siinayaan maleeshiyaadka Beesha Gadabuursi oo lagu eedeynayo inay ka yimaadeen dhanka Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
