HomeWarkiiDEG DEG: Dagaal goor dhaw ka qarxay Magaalada Balad-xaawo

DEG DEG: Dagaal goor dhaw ka qarxay Magaalada Balad-xaawo

 BALAD-XAWO (DAYNIILE.COM)-Dagaal ayaa goor dhaw ka qarxay Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Geddo kaasoo u dhexeeya ciidamada Dowlda faderaalka Soomaaliya iyo kuwa Maamulka Jubaland.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in dagaaladu ka qarxeen nawaaxiga xerada UK oo ah saldhiga ugu weyn ee Ciidamada Dowlada Somalia halkaasoo maalmihii ugu danbeeyay ay ku hareereeysnaayeen ciidamada Jubaland.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xili xalay dagaal kale oo culus uu ka dhacay Dooloow kaasoo ay ku lug yeesheen ciidamada Itoobiya oo toos ula saftay cidamada maamulka Jubaland.

Dhanka kale Taliyaha Amniga Gedo C/rashiid Janan ayaa warar an la xaqiijin waxay sheegayaan in diyarad uu ka raacay Balad-xaawo dagaalka ka hor  lama yaqaan ujeedaka socdaalkiisa.

wixii war ku soo kordha dagaalka Baladxaawo oo socda wararkeena danbe ayaad kala socon doontaan insha allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIIL.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -