HomeWarkiiDEG DEG: Dagaal Caawa saq dhexe ka qarxay Magaalada Baydhaba

DEG DEG: Dagaal Caawa saq dhexe ka qarxay Magaalada Baydhaba

BAYDHABA (DAYNIILE.COM)-Dagaal ayaa caawa  abaara 12-ka saqda dhexe wuuxuu ka qarxay Magaalada Baydhaba kaasoo u dhexeeya Ciidamada Maamulka Koofur-Galbeed iyo dhinacyo ka soo horjeeda.

Rasaas xoogan ayaa ka socota nawaaxiga suuqa xoolaha Baydhaba walow xiligaan ay adag tahay in  faah-aahin laga helo khasaaraha durba kala gaaray dhinacyada uu dagaalku u dhexeeyo.

Dagaalkaan ayaa ku soo aadaya xili saacadihii ugu danbeeyay warbaahinta iyo baraha bulshada ay shaacinayeen khilaaf soo kala dhex-galay Vila Somalia iyo Maamulka Koofur-Galbeed.

Sidoo kale warar ayaa sheegaya in Ciidamada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Eelaay ee dhawaan looga guuleystay dagaalkii Baydhaba ka dhacay uu maalmihii ugu danbeeyay diyaar garow Ku jirey.

Ma xaqiijin karno in ciidamada Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xasan Eelaay ay yihiin cida hada dagaalka kula jirta ciidamada Maamulka Koofur-Galbeed.

Wixii war ku soo kordha dagaalkaani Baydhaba laga soo sheegay wararkeena xiga ayaad kaga bogan doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -