DHAHAR (DAYNIILE.COM)-Dagaal ayaa la soo sheegayaa inuu goor dhaw ka qarxay Magaalada Dhahar ee Gobolka Sanaag kaasoo u dhaxeeya ciidamo kala taabacsan Maamulka Puntland iyo dadka deegaanka ee Maakhir State la baxay sida ay sheegtay idaacada Risaala.
Maleeshiyaadka Deegaanka ee reer Maakhir ayaa taageersan dhismaha Maamulka Maakhir ee ku biiraya Khaatumo iyo shirka ka socda Laascaanood oo lagu mideynayo dadka reer Sanaag iyo reer Sool.
Dagaalka ayaa si gaar ah uga bilowday xaafada Sare ee degmada Dhahar halkaasoo ah marinka magaalada laga soo galo, wararku waxay intaasi ku darayaan in goobtaani ay fariisin ku leeyihiin ciidamada degaanka reer Maakhir.
Wixii war ah ee ka soo kordha dagaalkaan waxaad kaga bogan doontaan wararkeena danbe insha Allaah.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
