Sida Goor dhaw lagu soo daabacay warbaahinta Dowlada Dagaal ayaa hada ka socda deegaan isku xira Magaalooyinka Camaara iyo Caad.
Dagaalka ayaa barqanimadan ka socda Deeganka jeex jeex iyo buurta yacgoos oo u dhexeeya Magaalooyinka caad iyo camaara,waxaana ciidamada Dowlada garab siinaya kuwa degaanka iyo daraawiishta Galmudug.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in weerarka ay qaadeen Ciidamada huwanta kadib markii ay heleen warar sheegaya in Alshabaab wadeen qorshe ay  isku urursanayeen.

Dagaalka oo wali socda wixii ku soo kordha wararkeena xiga ayaad kala socon doontaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Advertisement
Previous articleWiil walaalkiis ku dilay Degmada Yaaqshiid
Next articleDuqa Muqdisho “Booliiska waxay ka hortageen dilalkii lagu hayn jirey bajaajleyda

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here