Wararka laga helaayo Koonfurta Gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu goor dhaw dagaal ka qarxay deegaanka Jeex-jeex oo aad ugu dhaw Magaalada Caad.

Dagaalkan wuxuu u dhexeeya Ciidamada Dowlada oo garab ka helaya kuwa deegaanka iyo kooxda Alshabaab waxaana la soo sheegayaa in dagaalka la isu adeegsanayo hubkla nuucyadiisa kala duwan.

Advertisement

Sida ay sheegayan warar dhanka Dowlada durba ka soo baxay dagaalka waxaa qaaday ciidamada Kumaandooska Milatariga Gor-gor ee Turkidu tababareen kuwaasoo aad u qalabeysan.

Kumaandooska xoogga dalka ee Gor-Gor ayaa weerar Culus wararku waxay tilmaamayaan milatariga Soomaaliya uu weerarkiisa ku bartilmaameedsaday goob ay isku aruursanayeen Alshabaab.

Dhanka kale waxaa durba dagaalkaan guulo ka sheegtay Dowlada Somalia iyadoo saraakiil ka tirsan ciidamada furinta jira ay warbaahinta Qaranka u sheegeen inay Guul weyn ka gaareen Dagaalka maanta isla markaana Alshabaab laga saaray goobtii dagaalku ka dhacay,sidoo kalana la sii baacsanayo.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM

Previous articleRun miyaa, ma ogi
Next articleWasaarada Gaashaandhiga oo war-saxaafadeed ka soo saartay howlgalo laga fuliyey Gobolada Dalka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here