Sida uu saxaafada u xaqiijiyay wasiir ku xigeenka Warfaafinta C/raxmaan Al-caddaala waxaa goor dhaw gacanta Dowlada soo galay Deegaanka Camaara ee Gobolka Mudug kadib markii Alshabaab isaga baxeen.
Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug syaa iska kaashtay la wareegitaanka deegaanka Camaara oo sacadihii ugu danbeeyay la hadal hayay inay ciidamada Dowlada kaabiga ku hayaan.
Advertisement
Wasiir Alcadaala wuxuu sidoo kale sheegay inay ciidamadu wadaan howlo miina baaris ah kadibna ay sii wadan doonaa howl galkooda.
Maalin ka hor ayay ahayd markii Ciidamada Dowlada ay qabsadeen Magaalada Bacaadweyne ee isla gobolka Mudug taasoo ka dhigan in Alshabaab laga saaray Gobolka Mudug goobihii ay ugu awood badnaayeen.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM