HomeWarkiiDEG DEG: Diyaarad Milateri oo ku soo dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho

DEG DEG: Diyaarad Milateri oo ku soo dhacday Garoonka diyaaradaha Muqdisho

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Jug culus oo saaka laga maqlay Magaalada Muqdisho loona maleynayay qarax ayaa waxaa la xaqiijiyay in diyaarad Milateri ay ku soo dhacday  garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.

Diyaarada oo ay leeyihiin Ciidamada Midowga Afrika gaar ahaan Howlgalka AUSSOM  ayaa sidey hub badan, waxaana la sheegay in cilad soo wajahday darteed ugu soo dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde taasoo sababtay inay qarax sameyso lagana maqlo inta badan Degmooyinka Muqdisho.

Diyaaradaan oo ahayd nuuca Heyla-kobtarka ah ayaa siday culeyska hu badan taasoo sababtay inay si xun u burburto kadib qaraxa uu sameeyay hubkii ay siday.

Wali wax sharaxaad ah Dowlada Somalia iyo Howlgalka AUSSOM midkoodna kama bixin sidoo kale lama soo sheegin khasaare nafeed oo soo gaaray dadkii ku sugnaa garoonka diyaaradaha Muqdisho inkastoo wararka qaar sheegayaan in diyaaradu ku dhicin gudaha garoonka balse meel u dhaw ay ku soo dhacday.

Wixii faah-faahin ah ee ka soo baxa wararkeena danbe ayaad kaga bogan doonaan marka saraakiishu hadlaaan insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -