Diyaarad yar oo rakaab siday ayaa la soo sheegayaa inay Kenya ku dhacday gaar ahaana deegaanka Tsimba-Matuga ee degmada Kwale.
Inta la ogyahay waxaa dhintay dhamaan dadkii saarnaa diyaarada oo ka koobnaa 12 qof waxaana la soo bandhigay burburka diyaarada oo wali holceysa.
Hay’adda Duulista Hawada ee Kenya ayaa shacisay in diyaaradda oo leh lambarka diiwaangelinta 5Y-CCA ay rakaab dad ah ka soo qaaday oo ay ka soo kacday Diani xili ay ku sii jeeday Kichwa Tembo ee Maasai Mara, balse ay cilad soo wajahday u dhacday.
Inta badan shilalka ay diyaaradaha galaan aad bay u yartahay in hal ruux xitaa ka bad-baado madaama sida ay u sameysan tahay ay nugushahay inay sida xaanshida u dhalaasho marka cilad yar ay soo wajahdo marka laga reebo mararka qaar oo duuliyayaasha ay ku guuleystaan inay biyo ku dul dejiyaan ama shidaalka ka daadiyaan si hadii ay dhacdo aysan u qarxin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
