Wararka ka imaanaya Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Diyaaradaha Kenya duqeyn hor leh ka geysteen deegaano katirsan Gobolkaasi.

xarumaha shirkadaha Hormuud iyo Somtel ay ku leeyihiin deegaanka Caro-caso ee gobalka Gedo, wax khasaaro ah kuma gaarin shaqaalaha labada shirkadood sida ay inoo xaqijin dad goob jogayaal ah.

Diyaraadaha Kenya ayaa dib usoo celiyey bartilmaameedkoodii ay ku xasuuqi jireen dadka deegaanka iyo xoolahooda oo in muddo ah soo jirtay, taas oo aysan jirin cid kula xisaabtameyso Kenya.

Sidoo kale shirkadaha Hormuud  ayaa ah midda ugu badan ee ay dhibaatada ku hayaan madaamo ay bartilmaamedsadaan xarumaheeda.

Inta badan Dawladda Kenya ayaa duqeymaha ay ka fuliso Gedo waxay sheegtaa inay ku bartilmaameedsato Kooxaha Argagaxisada Al Shabaab balse shacabka ayaa dhibta ugu badan gaartaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here