MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-War goor dhaw ay soo saartay Dowlada Somalia lagu faah faahiyay sicdaalkii uu Muqdisho ku yimid Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Imaaraadka ,sidoo kale waxaa lagu beeniyay in socdaalkaani la xiriiro kii Taliayaha sirdoonka Sudan uu isna ku yimid Xamar.
“Waxaa jiray warar been abuur ah oo saacadihii la soo dhaafay lagu faafiyay warbaahinta bulshada, kuwaasoo socdaalka wafdigaan la xiriirinayay imaanshihii mid ka mid ah wufuudda caalamiga ah ee soo booqday dalka”ayaa lagu yiri warka goor dhaw ka soo baxay Dowlada Somalia.
Ujeedka Socdaalka Wasiirka Imaaraadka ayay Dowladu ku sheegtay mid salka ku hayay sii xoojinta xiriirka walaaltinimo ee labada dal iyo iskaashiga soo jireenka ah ee ka dhexeeya,sidoo kale Dowladu waxay xustay in imaanshiyaha wasiirkaani la qorsheeyay muddo labo toddobaad ah .
Si kastaba Warka Dowlada ka soo baxay waxaa lagu soo gabagabeeyay in Wakaaladda Wararka Soomaaliya (SONNA) ay caddeyneyso inaanay jirin wax xiriir ah oo ka dhexeeya labada socdaal.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
