HomeWarkiiDEG DEG: Dowlada oo dhamaan adeegyadeeda ku xirtay kaarka aqoonsiga qaranka

DEG DEG: Dowlada oo dhamaan adeegyadeeda ku xirtay kaarka aqoonsiga qaranka

Wargalin ku saabsan adeegsiga Kaarka aqoonsiga Qaranka ee helidda adeegyada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada ee Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyadoo ka duuleysa go’aankii ka soo baxay Shirka Golaha Wasiirrada ee qabsoomay 7-dii Abriil 2025, oo lagu meel mariyey “dhaqan-gelinta adeegsiga Aqoonsiga Qaranka iyo isku xirka adeegyada muhiimka ah ee dadweynaha”, waxa ay ku wargelinaysaa shacabka Soomaaliyeed arrimo muhiim ah.
Shirkaasi wuxuu xoogga saaray muhiimadda ay leedahay in dhammaan adeegyada guud ee Dowladda lagu xiro Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Qaranka (NIRA).
Wasaaradda, iyadoo fulinaysa amarka Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee tixraaciisu yahay XRW/415/04/2025, kana soo baxay 21-ka Abriil 2025, kaas oo loogu talagalay “taabbo-gelinta isku-xirka adeegyada iyo nidaamka hubinta Aqoonsiga Qaranka”, iyadoo sidoo kalena tixraacaysa:
Xeerka KMG ah ee Gaadiidka Dhulka, lambarkiisu yahay JS-XM/D016/07/2007, soobaxay 5-ta Luulyo 2007, Xeer Lambar 15 ee soo baxay 1-da Janaayo 1971, ayaa hadda lagu dabaqayaa dhammaan adeegyada ay bixiso Wasaaraddu.
Wasiiraddu waxa ay bulshada ku wargelinaysaa in dhammaan adeegyada ay bixiso lagu xiray isticmaalka Kaarka Aqoonsiga Qaranka ee ay bixiso Hay’adda NIRA.
Waxaa Kaarka Aqoonsiga looga baahanyahay dhinacyada hoos ku xusan:
– Xubnaha saamilayda shirkadaha gaadiidka dadweynaha;
– Qof kasta oo codsanaya ruqsadda darawalnimo ama cusboonaysiinteeda;
– Qofka doonaya is-diiwaangelin ama wax-ka-beddel lahaanshaha gaadiidka;
– Qof kasta oo doonaya in uu helo rukhsado kale oo la xiriira gaadiidka.
Tallaabadan waxa ay qayb ka tahay hirgelinta Qorshaha Isbeddelka Qaranka ee Dowladda ay meel marisay bishii Maarso 2025, iyadoo lagu doonayo adeeg hufan, horumarinta dhaqaalaha, yareynta khiyaanooyinka la xiriira aqoonsiga, iyo kor u qaadidda kalsoonida shacabka.
Wasaaradda waxa ay bulshada ku dhiirrigelinaysaa qaadashada Kaarka Aqoonsiga Qaranka si loogu adeego si hufan, degdeg ah, loogana qayb qaato koboca dhaqaalaha iyo adeegsiga tignoolajiyadda casriga ah.May be an image of text
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -