HomeWarkiiDEG DEG: Dowlada oo ka hadashay diyaarada AUSOM ee soo dhacday

DEG DEG: Dowlada oo ka hadashay diyaarada AUSOM ee soo dhacday

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan ayaa goor dhaw wareysi siiyay Radaadiyaha Dowlada Somalia wuxuu kaga hadlay diyaaradii milateriga ahayd ee saaka ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Muqdisho.

Maareeyaha Hay’adda Duulista Rayidka, Axmed Macallin Xasan wuxuu cadeeyay  in diyaarada soo dhacday ay tahay nuuca heyla-kobtariska ee ay adeegsadaan ciidamada midowha Afrika ee AUUSOM,islamarkaana ay subax walba ka imaan jireen dhanka garoonka balido ayna soo gaari jirtay garoonka Muqdisho

Mareeyaha wuxuu shaaciyay in diyaaradu ku soo dhacday garoonka diyaaradaha Xamar qeybta Afisyooni islamarkaana xaalada garoonku tahay mid caadi ah isamarkaana shaqadu socoto.

“burburka diyaarada wuxuu saameeyay qeybta afisyooni waxaana xirnmay ilaa lix mitir wadada  Run-weyga oo uu gaaray fanfaniinka qaraxa diyaarada ,  Garoonka diyaaradaha inta soo hartay way ku filantahay in diyaaraduhu soo degaan”ayuu yiri Maareeyaha

Sarkaalkaan wuxuu intaasi ku daray in diyaaradaasi ay la socdeen iala 8 askari oo AUSSOM ka tirsan walina uusan wax faahfaahin ah ka helin hadii ay dhinteen iyo hadii ay bad-baadeen.

“Daallo dhanka badda ayaan ka soo dejinay oo waa soo degtay sidoo kale Turkish Airay way soo degeysaa hada, si kastaba waxaan isku dayaynaa inaan nadiifino haraaga burburka diyaarada”ayuu yiri

Dhanka kale wuxuu cadeeyay in qiiqu sii yaraanayo oo saaka mar uu saameyn ku yeeshay diyaaradaha soo degaya aragidooda.

XAFIISKA WARARKA 
DAYNIILE.COMMaareeyaha Guud Hay'adda Duulista Rayidka Axmed Macallin Xasan ayaa sharxay  wareegtadii soo baxday.

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -