Warbaahinta Dowlada Somalia ayaa goor dhaw waxay baahiyeenama soo bandhigeen muuqaal ay ka qabteen Camera CCTV ah gaarigii isku qarxiyay godka Jilacow iyo meelihii uu soo maray iyo tirada dagaalamayasha Alshabaab ee saaran inkastoo sawir ahaan aan xalay idin soo bandhignay.
Dowladu muuqaalka wax warbixin ah ma soo raacin taasoo ay ku sharaxayaan halka uu asal ahaan gaariga ka yimid garaashkii lagu soo buufiyay iyo magacyada kooxihii ka danbeeyay iyo hadii ay jiraan askar NISA ka tirsan oo fududeysay weerarkaani iyo qaraxyada madaama Muqdisho heysato amni.
Muuqaalka gaariga Cabdi-bilaha ee meelaha uu soo maray, halkii uu ka soo galay intaba halkaani hoose ka daawo:-
