Sida uu goor dhaw shaaciyay Maxamed Koofi oo ah mid ah Mucaaradka samatabixinta waxaa goor dhaw ciidamada Dowladu xabsiga dhigeen Nabadoon Ibraahim Suuxiye oo ka mid ahaa dadkii dhulka laga boobay sida uu warka u dhigay.
“Nasiibdarrada dalkaan ku dhacday waxaa ka mid ah in aan waayeel la xushmayn, caruurna la dhaafayn. Caawa waxaa xabsiga ku hoyanaya Nabadoon Ibraahim Suuxiye oo ka mid ahaa dadkii dhulka laga boobay” ayuu yiri Maxamed Aadan Kofi
Odeygaani la xirey lama yaqaan halka ay ciidamada la aadeen ama saldhiga lagu xirey iyo waliba waxa uu ku eedeysan yahay .
“Nabadoonka ayaa ka mid ahaa waxgarad u doodayay danyar la barakiciyay oo hantidoodana la burburay, kuwaas oo daafaha caasimadda ku dayacan” ayuu mar kale yiri Maxamed Aadan Kofi.
Siyaasigaan ayaa ugu danbeyn wuxuu ugu baaqay Dowlada in nabadoonka degdeg xorriyaddiisa loo siiyo, lana joojiyo xarrigga iyo afduubka sharcidarrada ah.
