HomeWarkiiDEG DEG : Dowlada Somalia oo gabi ahaanba burburisay heshiisyadii lala galay...

DEG DEG : Dowlada Somalia oo gabi ahaanba burburisay heshiisyadii lala galay Dalka Imaaraadka Carabta

Golaha Wasiirada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyaga oo cuskanaya awoodahooda dastuuriga ilaalinayana madaxbannaanida dalka,waxay qaateen go’aan ay ku difaacayaan midnimada, wadajirka dhuleed,iyo nidaamka dastuuriga ah ee dalka.

Golaha Wasiirada, iyaga oo si taxaddar leh u qiimeeyay xaaladihii u dambeeyay isla markaasna isticmaalaya awoodahooda dastuuriga ah, waxay burriyeen dhammaan heshiisyadii lala galay Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan hay’adaha maamulka dowladeed, kuwa la xiriira, iyo maamul-goboleedyada ka jira gudaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Go’aankaan wuxuu khuseeyaa dhammaan heshiisyada iyo wadashaqaynta ay ku joogeen dekadaha Berbera, Boosaaso, iyo Kismaayo.

Golaha Wasiiradu waxay sida oo kale burriyeen dhammaan heshiisyada jira ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladda Isutagga
Imaaraadka Carabta oo ay ku jiraan heshiisyada iskaashiga amni iyo difaac ee laba geesoodka ah.

Go’aankaan wuxuu la xiriiraa warbixinno iyo caddaymo xooggan oo ku saabsan tillaabooyin gurracan oo lagu dhibaataynayo gobonnimada, midnimada Qaranka, iyo madaxbannaanida siyaasadeed ee dalka.

Dhammaan falalkaan waxay ka soo horjeedaan mabaadii’da gobonnimada,

faragelin la’aanta, iyo ixtiraamka nidaamka dastuuriga ah ee dalka, sida ku cad Axdiga Qaramada Midoobay, Axdiga Midowga Afrika, Axdiga Ururka, Iskaashiga Dalalka Islaamka, iyo Axdiga Jaamacadda Carabta oo
dhammaantooda Soomaaliya ay qayb ka tahay. Sida oo kale, waxay ka soo horjeedaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed oo caddeeyay mowqifkooda
ay ku diidan yihiin falalka gurracan ee lagu dhibaataynayo madaxbannaanida iyo wadajirka dalka.

Sidaas daraadeed, Wasaaradda Arrimaha Dibedda waxaa la farayaa in ay si rasmi ah u gaarsiiso Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta go’aannadaan
kalana shaqayso hirgelintooda iyada oo sida oo kale gaarsiinaysa saaxiibada caalamiga iyo kuwa gobolka sida Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobay, isla markaasna caddaynaysa xuquuqda madaxbannaani ee dalka iyo awoodihiisa dastuuriga ah.

Go’aankaan waxay Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ku caddaynaysaa masuuliyaddeeda iyo xuquuqdeeda madaxbannaani ee la xiriirta dhulkeeda,
dekadaheeda, arrimaheeda amniga, iyo arrimaheeda dibedda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay oggoshahay iskaashi caalami ah oo ku dhisan is ixtiraam, aqoonsiga gobonnimada iyo madaxbannaanida Soomaaliya oo
mid ah, iyo u hoggaansanaanta mabaadii’da dastuuriga ah iyo kuwa caalamiga ah.

Go’aankaan waxaa loo qaatay si waafaqsan danta guud ee Jamhuuriyadda Soonaaliya

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -