SIda goor dhaw lagu shaaciyay Dalsan Tv Hay’adda duulista rayidka Soomaaliyeed ayaa goor dhaw hawada Soomaaliya ka celisay Diyaarad Ethiopia Airline oo Hargeisa wafdi uso waday .

Wararku waxay intaas ku darayaan in Dyaarada ay ku laabatay Adisababa oo marki hore ay ka so kacday madaama loo diiday inay soo gasho hawada Somalia.

Advertisement

Talaabadaan aya qeyb ka ah dagaalka Diblomaasiyadeed oo Dowladu kula jirto Dalka Itoobiya oo ku soo xad-gudbay madax banaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Bishaan Janaayo kowdeeda ayay ahayd Markii Ra’iisulwasaaraha Itoobiya uu Adis-ababa heshiis sharci daro ah kula galay Maamulka Somaliland kaasoo ay ku rabaan boobka dhulka Somaliyeed waxaana markiiba bur buriyay heshiiskaasj Baarlamaanka Soomaaliya.

Previous articleDagaal Xalay Degmada Qoryooleey ku dhex-maray Dowlada iyo Alshabaab
Next articleHeshiis laga gaaray xiisadii u dhexeysay Hormud Telecom iyo NISA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here