Dowladda Soomaaliya ayaa ka hadashay kiiska Ikraan Tahliil si baaris hordhaceed ah.

Gudoomiyaha Maxkamadda ciidamada qalabka sida Gen Cabdilaahi buule Kameey ayaa waxaa uu kasoo muuqday warbaahinta dowladda isagoo ka hadlaye kiiska sarkaaladan.

Gen Buulo kameey ayaa shegay in baaris lagu sameeyey Taliyihii hore ee Nisa Fahad yaasiin Xaaji Daahir, Ku simaha Taliyaha Nisa Gaanshale Sare Yaasiin Cabdilaahi fareey iyo Cabdilaahi Kulane.

Gen Kameey waxaa u cadeeye in haya’adda Nisa ay la shaqeysay guddiga iyaddo ka caawisay dhinac kastaa oo barista ah.
Sidoo kalenna xubnaha la baaray waxaa kamid ah Wadna Qabad iyo Sarkaal asma magaceeda lagu sheegay.

Gen Cabdilaahi Kameey ayaa sheegay iney soo cadaatay

1-in Nisa si hufan ula shaqeysay guddiga baaraye.

2-Inta barista lagu guddi jiray guddi uma aanu soo bixin cadeyn
muujineysa in sarkaalad ku maqan tahay gacanta saraakiisha Nisa.

3-Guddiga waxuu la wareegay gal baariseedka Nisa ee Sheegaya in Ikraan ay dileen Alshabaab.

Waxaana lagu soo xiray in cid kastaa oo warbixin ka heysaa ay la xariiraan haya’adaha dambi barista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here