LAAS-CAANOD (DAYNIILE.COM)-Doorashadii Gudoomiyaha Baarlamaanka ee Maamulka cusub ee Woqooyi-bari ayaa goor dhaw lagu doortay Gudoomiyaha Golahaasi kadib tartan uu la galay musharixiin kale.
Dr.Aadan Cabdullaahi Aw-xasan ayaa ku guuleystay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Woqooyi-bari Soomaaliya.
Gudoomiyaha cusub wuxuu helay oo uu ku soo baxay 53-cod, halka musharaxii kale ee la tartamay Cabdiqafaar Dheeliye, uu helay 29-cod,waxaana la diiwaan geliyay inuu hal cod xumaaday.
“waxaan ka shaqeyn doomaa dejinta xeerarka muhiim u ah Dowlad Goboleedka waqooyi bari Somalia”ayaa ka mid ahayd balan qaadikiisii uu sameeyay markii uu khudbada musharaxnimadiisa.
Dhanka kale waxaa durba u soo hambalyeeyay Musharax Madaxweynaha maamulkaani Dr khaliif.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
