MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Sida goor dhaw lagu baahiyay TV-ga Maamulka Gobolka Banaadir waxaa xilkii laga qaaday Gudoomiyihii Degmada Kaaraan Faarax Caddaani waxaana loo dhiibay gudoomiye cusub.
Sida ku cad warbixinta Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Xasan Xuseen Muungaab wuxuu xilka Gudoomiyaha Degmada Karaan u magacaabay Maxamuud C/laahi Cumar isagoona dardaarin u raaciyay gudoomiyaha cusub.
Gudomiye Muungaab wuxuu kula dar daarmay Gudoomiyaha cusub inuu mudnaanta siiyo horumarinta Degmada masuulka looga dhiogay sida nadaafaeda iyo bilicda Degmada ,sidoo kale waxaa lagula dar daamay inuu mudnaanta siiyo baahinta adeegyada asaasiyaadka ee Degmadu u baahan tahay.
Gudoomiyihii hore Faarax Caddaani waxaa lagu xasuustaa dhawaan mar uu baraha bulshada qabsaday kadib markii uu shacabka Degmada kula dardaarmay inay baangado qaataan weeraraan cid kasta oo ka aragti duwan madaxda sare ee Dowlada Somalia taasoo dhaliil badan ay ka timid dhanka bulshada iyadoona bulshada qaar waqtigaasi Dowlada ka codsadeen in xilka laga qaado.
XAFIISKA WARARA SIYAASADAÂ
DAYNIILE.COM
