Diyaaradaha Dagaalka ee saaxiibada Caalamka ayaa goor dhaw oo caawa waxay duqeyn culus ka geysteen Xarunta ugu weyn Alshabaab ee Degmada Jilib iyo deegaano kale oo hoos taga.
Wararka horu dhaca ah ee la helayo ayaa sheegaya in duqeymahaan lagu bartilmaameedsaday xarumo ay shirar ku lahaayeen saraakiisha Alshabaab ee ajaanibta iyo Soomaalida, waxaana la soo sheegayaa in saraakiil iyo dagaalamayaal lagu dilay duqeymaha caawa.
Meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah goob dowro lagu qaadanayay oo ka tirsan Jubada dhexe halkaasoo ay saraaiil iyo maleeshiyaadba ku dhinteen,Sidoo kale Magaalada Jili waxaa lagu bartilmaameedsaday shir ay lahaayeen saraakiil ajaanib u badan.
Dadka weerarkani ku dhintay waxaa ka mid ah waaligii hore ee degmada jilib Sheekh Cali jJiis,sidoo kale waxaa dhaawac uu soo gaaray Maxamed Maxamuud (Suldaan) oo ka mid ah saraakiisha ugu sareysa.
Sidoo kale Gobolka Shabeelaha hoose gaar ahaan Degmada kuntuwaareey duqeymaha ka dhacay waxaa la soo sheegayaa in saraakii;l badan ay ku dhinteen gaar ahaan xarun qaraxyada lagu sameeyo.
Saraakiisha la sheegay inay dhinteen waxaa ka mid ah amiirkii guud ee Gobolka shabelada Hoose Mukhtaar Oday-murux, Aadan dhere Abu Ali, Daahir colow Abu xaydar ,Kamaal xasan abu Daariq , Xasan cayrow madaxa Qorshayntan, Mursan Cali Sadiiq.
Sidoo kale saraakiil qaarkood caan yihiin ayaa dhaawacyo soo gaareen sida Amiirka ciidamada Hiiran.
XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM
