CEEL-BUUH (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Gobolka Sanaag dhanka Puntland ka taliso ayaa sheegaya in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ay goor dhaw halkaasi duqeyn ka gaysteen kaasoo sababay dhimasho aad u naxdin badneyd.
Duqeyntaan oo ka dhacday meel u dhow degaanka Ceel buuh ee Gobolka Sanaag waxaa lagu dilay Caaqil Cumar Cabdilaahi Cabdi oo ka soo jeeda Gobolka Sanaag isaga iyo qof kale oo ay hal gaari isla saarnaayeen.
Gaariga uu saarnaa Cumar Cabdilaahi Cabdi gabi ahaanba wuu bas-beelay madaama hal gantaal uu ku habsaday walina si rasmi ah looma oga dalka laga leeyahay Drons-ka duqeynta fulisay balse waxaa loo maleynayaa in Imaaraadka laga leeyahay madaama ay inta badan iyaga iyo mareykanka garab siiyaan howlgalka ciidamada Puntland.
Dhanka kale Masuuliyiinta Puntland ayaa lagu wadaa inay war ka soo saaraan dhacdadaani iyo sababta keentay in duqeynta xaga cirka lala eegto Cumar Cabdilaahi Cabdi oo ka mid ahaa Isimada Gobolka Sanaag.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
