Gaari Cabdi Bille ah oo ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan Dowladda ayaa mar kale caawa xabbado huwiyay dad shacab ah agagaarka Hayat Super Market.

Illo Xog-ogaal ah ayaa ii xaqiijiyay in wiil lagu magacaabo Meegaag uu halkaas ku dhaawacmay, oo ay xabbadu uga dhacday madaxa haddana loola cararay mid ka mid ah Isbitaalada magaalada Muqdisho.

Mahad C/raxmaan Maxamuud oo ka mid ahaa dhalinyarada kunool Muqdisho ayaa ka mid ah dadka ku dhaawacmay  rasaasta ay fureen ciidanka dowladda ciidanka.

Mahad ayaa la sheegay in rasaasta ay fureen ciidanka in ay ka haleeshay Madaxa, waxaana loo cararay Isbitaal.

Dhakhaatiirta Isbitaalka Madiina ayaa aad uga deyriyay wax ka qabashada xaaladda Caafimaad ee yarkii caawa ku dhaawacmay rasaas ay ciidamo ka tirsan dowladda ku fureen dad Shacab ah.

Hadda waxaa la geeyay oo xaaladdiisa caafimaad lagu dabiibayaa Isbitaalka Digfeer ee Muqdisho, inkasto si aad ah looga deyrinayo.

Xalay ayay aheyd markii ciidanka dowladda ay Muqdisho ku dileen dhalinyaro wada dhalatay ka dib markii ay rasaas ku fureen.

Xaalad kale oo caawa ka kacsan muqdishu waana arrin murugo leh in gawaarida ciidanka ay iska huwiyaan xabado shacabka degan moqdishu.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here