LAAS-CAANOOD (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaalada Laas-caanood ayaa sheegaya in Ciidamada Booliisku xabsiga dhigeen Ganacsadaha caanka ah ee Maxamed Jabuutaawi oo lagu bartay halgankii reer SSC Khaatumo kuwaasoo ugu danbeyn sameystay maamulka waqooyi Bari Somalia.
Sababta keentay in Ganacsadahaan xabsiga la dhigo ayaa lagu sheegay markii Maxkamada Maxkamadda Gobolka Sool ee Maamulka Waqooyi Bari ay u jartay waaran soo qabasho ah.
Waxgarad uu hogaaminayay Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil ayaa saldhiga geeyey Ganacsade Jabuutaawi kadib si degan oo qasab iyo buuq aan lahayn ayay ugu wareejiyeen Ciidamada Booliska Maamulka Waqooyi Bari.
Ganacsadaha waxay Maxkamadu ku soo eedeysay inuu ka dambeeyay falal lidi ku ah amniga oo dhawaan ka dhacay Magaalada Laascanood, falalkaani waxa la sheegay inay dad dhinteen qaar kalena ku dhaawacmeen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM



DAYNIILE.COM




