Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe waxaa horfadhiya malayshiyaad hubaysan kuwaas oo ka careysan diyaarado Qaad kasoo qaaday dalka Kenya oo maanta lagu wado in ay ka dagaan Airport Garowe.

Ujeedada ay malayshiyaadkaan u duldageen garoonka diyaaradaha waxaa lagu sheegay arrimo salka ku haya khilaaf iyo muran aan weli xal loo helin oo maalmihii lasoo dhaafay ka jiray cida loo ogolyahay inay ka ganacsato Jaadka miiroowga oo markii ugu horeysay maanta lagu wado duulimaadkiisu inuu ka dego qaar ka mid ah garoomada Diyaaradaha ee ay maamusho Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here