May be an image of 11 people, dais and text

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Golaha Wasiirada Soomaaliya ayaa goor dhaw ansixiyey Heshiis ku saabsan difaaca iyo dhaqaalaha oo ay dowladda Federaalka Soomaaliya dhawaan la gashay Dowladda Turkiga.

Advertisement

Ra’iisul wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa shir gudoominaya shirka maanta kaasoo goluhu ku ansixiyey heshiiskaas oo muhiim u ah amniga badda Somalia madaama xili adag uu ku jiro dalku islamarkaana dowlada Somalia u dhisneyn ciidamo Badeed oo awood leh.

Dhawaan ayay ahayd markii Wasiirka Gaashaandhiga Somalia C/qaadir Maxamed Nuur uu tagay Turkey islamarkaana la soo saxiixday heshiis 10 sano ah oo ay ciidamada Badda Turkey ku difaacayaan Badda Somalia.

Shirka Wasiirada ayaa laga sugayaa in warsaxaafadeed uu ka soo baxo kaasoo dhawaan loo qeybin doono warbaahinta Insha Allaah.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIIILE.COM
Previous articleWixii xalay ka dhacay Golaha Ammaanka iyo waxa laga yiri xiisada Soomaaliya iyo Itoobiya
Next articleDAAWO: Alshabaab qaabilsan kala gudbinta qaraxyada oo ka shekeynaya shaqadiisa

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here