Wararka ugu danbeeya ee warbaahinta qaar tabinayaan ayaa sheegaya in Iiran jawaabtay oo gantaalo la dhacday Israa’iil walow warar kalana sheegayaan in Iiran wali jawaab celin rasmi ah aysan sameyn.
Ciidamada Israa’iil ayaa sheegtay inay jiraan gantaalo loo soo riday dhanka Israa’iil oo ka yimid dhanka Iran inkastoo wax khasare aysan sheegan.
Sidoo kale warbaahinta Aljazeera ayaa cadeysay in Dagaalka uusan ka marneyn Mareykanka islamarkaana Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu shaaciyay in Mareykanka uu bilaabay howlgal dagaal oo ka dhacay Iran ka dib markii Israel ay sidoo kale sheegtay in ay qaaday weerarro gantaallo ah oo ka dhan ah dalkeeda.
Dhanka klale Madaxweynaha Iiran Masoud Pezeshkian ayaa la soo sheegayaa inuu nabad qabo islamarkaana aysan jirin wax ka soo gaaray duqeymaha israa’iil .
Weerarkii Saaka Israa’iil ku qaaday Iiran waxay ku bartilmaameedsadeen ilaa 30 goobood oo ay ka mid tahay Madaxtooyada Iiran, sidoo kale meelaha la duqeeyay waxaa ka mid ah dhismaha wasaaradda Sirdoonka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
