Muqdisho (dayniiile.com)-Wararka hada uu helaayo webka dayniiile.com ayaa sheegaya in goor dhaw oo duhurkii soo dhaw yahay qof shacaba lagu dilay Degmada C/casiis ee Magaalada Muqdisho.

Ilaalada Xildhibaan Maxamed Cajiib oo ka mid ah baarlamaanka Soomaaliya ayay dadka deegaanku sheegeen inay toogteen ninkaas oo xoogsatada ka mid ahaa.

Advertisement

Bir jag-boynti ah oo ku dhaw guriga Xildhibaanka ayaa la sheegay inay ku murmeen askariga iyo marxuumka kadibna xabad  wadnaha looga dhufta marxuumka sidaas ayuuna isla goobta ugu geeriyooday.

Wararka qaar ayaa sheegaya in marxuumka uu ka mid ahaa xooogsato ka shaqeyneysay dabaq uu dhisme ka socday kaasoo  daris la ah guriga Xildhibaanka

.Si kastaba waxaa la qabtay askarigii dilka gaystay kaasoo gacanta Booliiska ku jira waxaana la filayaa inuu   sharciga maro.

XAFIISKA WARARKA

DAYNIIILE.COM

Previous articleC/casiis Lafta-gareen oo Maanta ku wajahan Diinsoor
Next articleGud. xigenka Barlamanka oo shaaciyay in Marwa Cabdi Bashiir ay ogeyd in Somalia ka tanaasushay Xilka ay u tartameysay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here