Ugu yaraan hal askari oo ka tirsanaa Ciidanka Nabad Sugidda ayaa ku dhintay kadib is-rasaaseyn kooban oo goordhow ka dhacday nawaaxiga Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Mqudisho.

Iska horimaadka ayaa yimid kadib markii uu murun soo kala dhex galay Ciidamo militari ah oo la socday Xildhibaan Yuusuf Kabaale iyo kuwa Nabad Sugidda ee ku sugan koontaroolka Madiina gate kuwaasi oo isku dayay in ay celiyeen ciidankii la socday Xildhibaanka oo ka yimid dhanka Dan-wadaagta ee Degmada Wadajir, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Nabad Sugidda.

Askariga dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Carabeey, iyada oo wararka ay sheegayaan in la kala dhex galay labada Ciidan ee is-rasaaseyntu dhexmartay.

Xigasho: Shabeelle

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here