CAL-MISKAAD (DAYNIILE.COM)-Allaha u raxmadee Jeneraal, Ahmed Abdi Ali (Qal-yare) oo ahaa Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka difaaca Puntland ayaa goor dhaw lagu dilay Qarax miino oo ka dhacay furimaha buuraha Cal-miskaad ee Puntland halkaasoo uu ka socdo dagaal ka dhan ah Daacish.
Taliyaha oo ahaa nin wayeel ah hadana hogaaminayay dagaalka ayaa waxaa miino u aasay kooxda Daacish ee gabalkoodu sii dhacayo taasoo haleeshay Janaraalka.
Waayeelkaan oo ahaa Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka difaaca Puntland ayaa ka mid ahaa saraakiisha Puntland gaar ahaana qeybta ka ahaa dagaalka ka dhanka ah argagaxisada daacish Allaha u naxriistee.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

