DEG DEG: Koox hubaysan oo goor dhow Kismaayo ku dishay Xaaji Saciid Ciise Adoon

 

Dabley hubaysan ayaa goor dhaw ku dishay magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose mid ka mid ahaa Salaadiinta reer Jubbaland.

Xaaji Saciid Ciise Adoon oo si weyn looga yaqaanay gobolka Jubbada Hoose gaar ahaan magaalada Kismaayo kana mid ahaa Salaadiinta dhaqanka Jubbaland ayaa caawa waxaa dishay koox hubaysan oo afka soo duubatay.

Xaaji Adoon ayaa sidoo kale ka mid ahaa ganacsatada magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee maamulka Jubbaland.
Dilka Marxuumka ayaa ka dhacay xaafadda Calanley ee magaalada Kismaayo, gaar ahaan halka loo yaqaano Sarta-Calaaca.

Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta iskaga baxsatay, waxeyna dadka xaafadaas sheegeen in dilka kadib ay goobta gaareen ciidamo boolis ah, kuwaas oo halka uu dilku ka dhacay baaritaano ka bilaabay.

Wali ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda dilka ganacsade Adoon oo ragga dilay ay ku sugayeen iridda hore ee gurigiisa.

Untitled Document

Ka dhageyso Muxaadaro cusub TEL 001 6057813292

MUXAADARO CUSUB Live UK TEL 03306060934

Fadlan Hadii aad u baahantahay Macluumaad dheeraad ah naga la soo Xiriira.

Email: dayniilewb@gmail.com

TEL 00252618895064