Kooxo hubeesan ayaa caawa degmada Howlwadaag gaar ahaan meel ku dhaw xarunta degmada waxa ay ku dileen nin Oday ah oo magaciisa lagu soo koobay Juuni.

Kooxdii dilka fulisay ayaa goobta isaga baxsaday, lamana oga ilaa hada sababta loo dilay.

odayga xiliga la dilaaye wuxu ku sugnaa iriddiisa hooyga u dagan yahay waxayna wararka sheegayaan in xiliga dilka dhacaaye uu la fadhiyey caruurtiisa uu wax u aqrinaaye waxayna kooxda dishay la sheegay in ay ahaayeen laba dhalinyaro ay waxayna ka toogteyn madaxa sare.

Sikastaba ha ahaate waxaa goobta tagay Askar ka socotay degmada waxayna bilaabayn baaris iyo in meydka halka lagu dilay ay ka qaadeyn waxaan la geeyey xarunta C.I.D wali faahfaahin kama soo bixin cidda dishay marxuumka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here