MUQDISHO (DAYNIILE.COM) Dagaalamayaal ka tirsan Kooxda Alshabaab ayaa goor dhaw waxay Degmada Dharkeenleey ee Muqdisho ku toogteen Col.Macalin Cumar Cali .
Korneelka ayaa la soo sheegayaa in lagu toogtay gurigiisa hortiisa,kooxihii dilka ka danbeeyay oo laba ahaa ayaa goobta ka baxsaday.
Dilkaan Caawa waqti danbe ka dhacay Degmada Dharkenlay ayaa ku soo aadaya xili amaanka Muqdisho uu aad u soo hagaagayay sanadihii ugu danbeeyay.
Hay’adaha Amniga Dowlada ayaa lagu wadaa inay ka hadlaan falkaan lagu dilag Korneelka islamarkaana ay qaadaana talaabo lagu soo qabanayo kooxihii dilka fuliyay.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
