HomeWarkiiDEG DEG: Ku simaha Madaxweyne Xassan oo hada shir jaraa'id ku qabanaya...

DEG DEG: Ku simaha Madaxweyne Xassan oo hada shir jaraa’id ku qabanaya saldhiga Warta-nabada

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa hada soo baxaya warar sheegaya in ku simaha Madaxweynaha Somalia ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Aadan Madoobe uu shir jaraa’id isugu yeeray wariyayaasha saldhiga Warta-nabada oo ah halkii shalay ay ka dhacday shaqaaqadii u dhexeysay Ciidamada Booliiska iyo ilaalada siyaasiyiinta Madasha mucaaradka  samatabixinta.

Wariyayaal ayaa hada oo saacadu tahay 3-da ama 9-ka galabnimo waxay ku diyaarsan yihiin gudaha iyo banaana saldhiga xili la sugayo in ku simaha Madaxweynaha uu soo gaaro saldhiga si uu wariyayaasha ula hadalo.

Gudoomiye Aadan Madoobe oo uu shirka ku weyhlin doono Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa lagu wadaa in ku simaha Madaxweynaha uu bulshada kala hadli doono arimo ku saabsan shaqaaqadii shalay iyo arimo kale.

Inta la ogyahay ha askari oo ilaalo ahaa Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhintay dagaalkaasi shalay, sidoo kale dhowr qofood  ayaa u ku  dhaawacmeen sida hanweeney uur lahayd oo nin dhalinyaro ah oo aroos ahaa oo ay haleeshay xabadahii la is dhaafsan jirey.

Shirkaas wixii ka soo baxa wararkena danbe ee soo socda kala soco insh Allaah.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -