MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Magaalada Muqdisho waxaa ka furmay kulan u dhexeeya Mucaaradka Golaha Samatabixinta iyo Beesha Caalamka xili Puntland iyo Jubaland kaga qeybgalayaan aalada fogaan araga.
Shirka waxaa si toos uga qeybgalay Madxweynihii hore Shariif Sh.Axmed,Ra’iisulwasaarihii Xasan Cali Khayre iyo Xildhibaan C/raxmaan C/Shukuur.
Shirka waxaa si gaar ah looga hadlay doorashada iyo muranka ka taagan muddo xileedka Madaxweyne Xasan iyo Dowlada uu hogaamiyo.
Lama sadaalin karo halka uu ku dhamaan doono dadaalka ay beesha Caalamku ku doonayaan in dib loo soo nooleeyo wada xaajoodkii Dowlada iyo Mucaaradka.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
