HomeWarkiiDEG DEG: Kulan xiligaan u socda Farmaajo iyo Shariif

DEG DEG: Kulan xiligaan u socda Farmaajo iyo Shariif

MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Waxaa caawa xiligaan danbe kulan u socdaa Laba Madaxweyne hore Maxamed C/laahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed iyagoona ka wada arinsanaya xaalada dalku marayo xili dhawaan Dowlada Madaxweyne Xasan ku dhawaaqday muda kororsi hal sano ah.

Kulanka oo ka dhacay guriga Farmaajo uu ka degan yahay Magaalada Muqdisho ayay labada siyaasi oo mucaaradka ka mid ah waxay kaga wada hadlayaan xiligaan saqda dhexe ah sida aan xogta ku helnay sidii ay mowqif  mideysan uga qaadan lahaayeen talaabooyinka uu qaaday Madaxweyne Xasan sida ansixinta Dastuurka iyo muda kororsiga dadban ee Dowladu ku dhawaaqday.

Labada Odey waxay aaminsan yihiin in muda xileedka Madaxweyne Xasan uu ku egyahay 15-ka bisha soo socota ee May, wixii markaas ka danbeeyana uu Madaxtooyada ku joogi sharci daro.

Sidoo kale kulanka labadaan odey ayaa ku soo aadaya xili Mucaaradka la hadal hayo inay Ramadaanka kadib yeelan doonaan kulan weyn oo ay kaga arinsanayaan talaabada xigta ee ay qaadi doonaan madaama hore uu u fashilmay wadahadaladii u dhexeeyay  Dowlada iyo Mucaaradka.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA

DAYNIILE.COMMay be an image of dais

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -