MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Dowlada Somalia ayaa goor dhaw oo saaka ah waxay dil toogasho ah ku fulisay laba ka tirsanaa kooxda Alshabaaab oo hore Maxkamadu ugu xukuntay dil toogasho ah.
Labada Alshabaabka ahaa ee la toogtay waxaa magacyadooda lagu kala sheegay C/raxmaan Maxamed Cabdullahi (Maaxi , Yoonis)iyo Ibraahim Aadan Maadeey, waxay maxkamadu shaacisay inay ka kala tirsanaayeen Qeybta Jabhadaha & dilalka Gaadmada ah.
Talaabada Maxkamada ciidamadu saaka ku fulisey xukunkii qisaasta ayaa qeyb ka ah fulinta xukuno dilal ah oo maalmihii ugu danbeeyay Maxkamadu si joogto ah ugu fulineysay eedeysanayaal Alshabaab ka tirsanaa oo bilo ka hor lagu xukumay dilal balse aan agu fulin.
Sida warbixinta Maxkamada Ciidamada ku jirtay Labaduba waxay Muqdisho ka geeysteen dilal lagu beegsaday dad qiimo ku dhex lahaa Bulshadda kuwaasoo Muqdisho iyo meelo ka baxsanba ay ka geysteen.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM

