laba nin oo Ganacsato ah ayaa Caawa lagu dilay Magaalada Dhuusa-mareeb ee Xarunta Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

labada Ganacsade  oo lagu kala magacaabo Shiikh Xasan Diirshe Cade Iyo Saciid Tahliil Maxamed ayaa aano qabiil loogu dilay Magaalada Dhuusa-mareeb.

Advertisement

Wararka ayaa intaasi ku daraya in labada nin ahaayeen ganacsato howlo shaqo u joogay Magaalada  Dhuusamareeb,waxayna ku heyb yihiin Madaxweynaha Galmdug Axmed Cabdi kaariye (Qoor-qoor).

Sida malmihii ugu danbeeyay lagu sheegayay warbaahinada kala duwan waxaa dagaal beeleedyo ay ka socdeen qeybo ka mida dhulka Maamulka Galmudug sida deegaanka Xanan buure oo ay isku hayaan laba beelood oo walaalo ah islamarkaana reer Galmudug isla ah.

lama oga sida arintaani ay u xalin doonaan madaxda maamulka Galmudug oo ku mashquulsan dagaalka Alshabaab iyo Dowlada u dhexeeya.

XAFIISKA WARARKA
DAYNIILE.COM

No description available.

May be an image of 1 person and beard

May be an image of 1 person and glasses

Previous articleQM oo shaacisay waxyeeladii ka dhashay roobabkii waa weynaa
Next articleDowlada oo ku dhawaaqday shirkadii ku guuleysatay inay qaadato qandaraaska daabulida xajeyda sanadka danbe

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here