XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa gudbisay dalab rasmi ah oo ay Crystal Palace kaga soo qaadaneyso daafaca dhexe ee Marc Guehi.
Reds ayaa noqotay kooxda ugu kharashka badan suuqa xagaagan Premier League, mana jiraan wax calaamad ah oo muujinaya inay dhaqso uga bixi doonto suuqa.
Liverpool ayaa hore ula saxiixatay Hugo Ekitike iyo Florian Wirtz, waxayna sidoo kale soo qaateen Milos Kerkez, Jeremie Frimpong, Giovanni Leoni iyo Armin Pecsi. Tababaraha cusub ee kooxda Anfield, Arne Slot, ayaa weli doonaya inuu helo weeraryahanka Newcastle Alexander Isak iyo daafac kale oo dhexe.
Ilo xog ogaal ah ayaa xaqiijiyay in Liverpool ay Palace u gudbisay dalab gaaraya qiyaastii £36 milyan oo ginni iyo £4 milyan oo gunnooyin ah, taas oo guud ahaan ka dhigaysa dalabka £40 milyan – lacagtaas oo ah inta kooxda Palace rabto si ay u fasaxdo daafaca reer England.
XIGASHO LAACIB.NET
