XIGASHO LAACIB.NET
Sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo laga helay jariiradda The Athletic, Liverpool ayaan u muuqan inay oggolaan doonto in Federico Chiesa uu amaah kaga tago kooxda bishan January, inkasta oo ay jirto xiiso xooggan oo uga imaanaysa kooxdiisii hore ee Juventus.
Kooxda Reds ayaa ku adkaysanaysa in heshiis kasta oo lagu fasaxayo ciyaaryahanka uu u baahan yahay dalab rasmi ah oo iib waara ah, iyadoo shardi looga dhigay in kooxdu ay hesho baddalkiisii ka hor inta uusan xirmin suuqa kala iibsiga.
Juventus ayaa si weyn ugu dhowaanaysay inay dib ugu celiso Turin garabka reer Talanti iyadoo adeegsanaysa qorshe amaah ah, balse mowqifka Liverpool waa mid cad oo ah inaysan diyaar u ahayn inay bixiyaan ciyaaryahanka muddo kooban.
XIGASHO LAACIB.NET

