XIGASHO LAACIB.NET
Liverpool ayaa ku dhow inay dhammeystirto saxiixa difaaca dhexe ee Crystal Palace, Marc Guehi, kaasoo la filayo inuu caafimaadka ku maro magaalada London.
Difaacan 25 jirka ah ayaa ka mid ahaa bartilmaameedyada ugu muhiimsan ee Liverpool xagaagan, waxaana labada kooxood ku heshiiyeen qiime gaaraya £35 milyan. Guehi ayaa saxiixi doona qandaraas shan sano ah haddii uu si guul leh u dhammaysto tijaabada caafimaadka.
Wadahadallada u dhexeeya Liverpool, Crystal Palace iyo wakiillada ciyaaryahanka ayaa si habsami leh u socda, iyadoo dhammaan dhinacyadu doonayaan in dhaqso loo soo afjaro heshiiska.
