JOWHAR (DAYNIILE.COM)-Waxaa cirka isku sii shareeray khilaafkii u dhexeeyay Dowlada Somalia iyo Maamulka Hirshabelle oo hada si cad banaanka u yimid xili maalmihii ugu danbeeyay baraha bulshada aad looga hadal hayay khilaafka.
Goor dhaw waxaa Jowhar laga soo saaray warqad ka soo baxday Maamulka Hirshabelle taasoo ku socota taliska Booliiska Somalia oo ay ku eedeeyeen inuu fargelin ku hayo maamulkaani.
Warqadaan waxay Hirshabelle ku shaacisay in amniga gudaha hirshaelle ay iyaga ka masuul yihiin balse iyaga iyo Dowlada ka;liya ay tahay inay iska kaashadaan amniga guud ee dalka.
“Taliska Booliiska Hirshabelle wuxuu ka digayaa faragelinta qaawan ee taliska Booliiska Faderaalka uu ka dhex wado Booliiska Hirshabelle, iyado uu soo saarayo warqado warqado aan sharci ahayn oo baalmarsan nidaamka Faderaalka ah”ayaa lagu yiri
Maamulka Hirshabelle wuxuu ugu baaqayaa Dowlada inay ka digtoonaato fal kasta oo xasilooni daro ka abuuri kara Hirshabelle.
Hadaba halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka hirshabelle oo sididiisa u qoran:-

