HomeWarkiiDEG DEG: Madasha samatabixinta Mucaaradka oo Af-hayeenkooda u magacowday mid ka...

DEG DEG: Madasha samatabixinta Mucaaradka oo Af-hayeenkooda u magacowday mid ka mid ah musharixiintii Maamulka Waqooyi Bari

May be an image of one or more peopleMUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madasha Samatabixinta ee Mucaaridka ayaa goor dhaw waxay Af-hayeenkooda rasmiga ah u magacaabeen mid ka mida musharixiintii xilka Madaxweynaha ee Maamulka Waqooyoio-Bari Somalia Eng. Maxamed Beyle.

Masuulkaani wuxuu noqonayaa musharaxa hada kadib afkooda ku hadli doona mucaaradka samatabixinta ee uu hogaamiyo Madaxweynihii hore Shariif Sheekh Axmed ayna ka ma mid yihiin madaxda sar sare Xasan Cali Kheyre,Maxamed Xuseen Rooble iyo C/raxmaan C/shukuur.

Madasha Samatabixinta hore uma lahayn Afhayeen rasmi ah waxaana afkooda ku wada hadli jirey siyaasiyiinta dhamaantood inkastoo qaab afhayeen camal uu inta badan u hadli jirey Xoghayaha guud ee Madasha Maxamed Aadan Koofi.

Masuuliyiinta ayaa lagu wadaa inay shir jaraa’id ka shaacin doonaan ninkaan reer Waqooyi Bari, iyadoo la ogyahay in hore sidaan oo kale uu Xisbi siyaasadeed ugu biiray Musharax Axmed Khalii oo isna ka mid ahaa ragii u soo tartamay Maamulka Waqooyi Bari.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM 

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -