HomeWarkiiDEG DEG: Madaxdii Xamaas oo weerarka ka bad-baaday

DEG DEG: Madaxdii Xamaas oo weerarka ka bad-baaday

DOXA (DAYNIILE.COM)-Wararka ka imaanaya Magaaladas Doxa ee Caasimada Dalka Qatar ayaa sheegaya in madaxdii Xamaas ee la weeraray ay ka bad-baadeen duqeymaha islamarkaana ay nool yihiin.

Mas’uul ka tiirsan Xammaas ayaana Dunida u xaqiijiyay in wafdigii uu hoggaaminayay Madaxda siyaasada kooxda Xammaas Khaliil A-xaya ay ka badbaadeen weerarka Yuhuudu ku qaaday guri ay kaga sugnaayeen Magaalada Doxa.

Dowlada Qatar ayaa cambaateysay weerarkaani oo dhanka kalana xad-gudub ku ah madax banaanideeda,waxayna ku han jabeen inay u dulqaadan doonin weerarada nuucaasi ah .

Israa’iil ayaa war ay hore usoo saartay ku sheegtay inay baaritaano socdaan marka la eego weerarkooda iyagoo muujiyay ineysan xog ka heyn in weerarkoodu guuleystay iyo inkale.

XAFIISKA WARARKA SIYAASADA 
DAYNIILE.COMMay be an image of 1 person

RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -