HomeWarkiiDEG DEG: Madaxweyne Xassan oo Casuumaad u fidiyay Mucaaradka Golaha Mustaqbalka

DEG DEG: Madaxweyne Xassan oo Casuumaad u fidiyay Mucaaradka Golaha Mustaqbalka

WAR-SAXAAFADEED
Muqdisho, Soomaaliya
02, May 2026

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud isaga oo ka duulaya kulamadii iyo wada-tashiyadii gaarka ahaa ee uu muddooyinkii u dambeeyey la yeeshay siyaasiyiin, madax hore, odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, wuxuu si rasmi ah ugu casuumayaa Golaha Mustaqbalka ka qeyb-galka kulan qabsoomi doona 10-ka May 2026.

Kulankan wuxuu salka ku hayaa baahida loo qabo in si niyadsami, daah-furnaan iyo mas’uuliyad leh looga wadahadalo arrimaha masiiriga ah ee dalka, kuwaas oo ay ugu horreeyaan geeddi-socodka dowlad-dhiska sida doorashooyinka, xoojinta midnimada qaranka, iyo jihada siyaasadeed ee mustaqbalka Soomaaliya.
Madaxweynuhu wuxuu aaminsan yahay in xilligan la joogo ay lagama maarmaan tahay is qancin iyo isu-tanaasul, si ay wada-hadalladu u noqdaan kuwo miro-dhal ah, natiijo wax ku ool ahna ay ka soo baxaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu mar kale adkaynayaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta hannaan siyaasadeed oo ku dhisan wadajir, is-afgarad iyo ilaalinta midnimada, madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya.
DHAMMAAD
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
RELATED ARTICLES

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

- Advertisment -

Smart Phone

Google Pixel 9

Samsung Galaxy S25 Ultra

OnePlus13

Samsung Galaxy Z Fold 6

- Advertisment -