MUQDISHO (DAYNIILE.COM)-Madaxweynaha Soomaaliya ayaa khudbada uu ka jeedinayay munaasabada xuska Booliiska Somalia wuxuu goor dhaw ku soo hadal qaday shirka Kismaayo isagoona si adag uga hadlay mucaaradka halkaasi ku shirsan.
Madaxweyne Xasan Sheekh wuxuu ugu horeyn xusay in hadalku yahay dimuquraadiyad islamarkaana siyaasiyiintu ka hadli karaan aragtidooda balse wuxuu su’aal ka keenay Madaxweyne Xassan in mucaaradka markii ay Muqdisho joogeen caqli ay soo kordhin waayeen in hada kismaayo laga soo kordhin karo.
“Aniga ma aqaan caqli Hotel Jazeera markii la soo joogay soo kordhi waayay oo Kismaayo ka soo kordhaya” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Madaxweynaha ayaa intaasi kadib toos ugu hanjabay mucaaradka isagoo ku yiri inta hadalka aad joogtaan xor baad tihiin laakiin hadii aad ka soo gudubtaan Dowladu gacmahay idin qaban doontaa.
“intaad hadal joogtaan xor baa tihiin laaliin maalintaa qori soo qaadataan gacantaa la idinka qabanayaa” ayuu yiri Madaxweyne Xassan
Sidoo kale Madaxweynaha wuxuu xusay in siyaasiyiinta mucaaradku kaliya ku celceliyaan waxay diidan yihiin balse marna aysan ka hadlin waxay ogolyihiin.
XAFIISKA WARARKA SIYAASADA
DAYNIILE.COM
DAYNIILE.COM
